Saddexda Qodob ee ugu muhiimsan ee looga hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho kusoo dhammaaday
Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay ka qeyb galeen madaxda heer Federaal, kuwa Dowlad-goboleedyada dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Goluhu wuxuu si adag u adkeeyey mowqifka lama taabtanka ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo la raacayo Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
Arrimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa:
Diidmada Aqoonsiga Israa’iil: Goluhu wuxuu si buuxda u diiday, una cambaareeyey tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ku sheegtay inay aqoonsi ugu fidinayso qayb ka mid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taas oo loo arkay xadgudub ka dhan ah midnimada dalka iyo khatar ku ah nabadgelyada gobolka.
Dardargelinta Doorashooyinka: Waxaa la bogaadiyey doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyadoo la isku raacay in la dardargeliyo doorashooyinka heer dowlad-goboleed si loo xoojiyo nidaamka dimuqraadiyadda dalka.
Amniga iyo Howlgallada: Goluhu wuxuu ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo si gaar ah u ammaanay guulaha ciidanka qaranku ka gaareen howlgalka “Seefta Aamusan” ee lagu xoreeyey dhul ballaaran oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.