Madaxweynaha Masar, CabdiFataax Al-Sisi, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana uu diiddan yahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.