U bood dhigaalka

Masar oo garab istaagtay midnimada Soomaaliya, tillaabada Somaliland-na ku tilmaamtay sharci-darro

Maajo 21, 2026

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay tillaabo uu maamulka Somaliland ku doonayo inuu “Safaarad” uga furto magaalada Qudus (Jerusalem) ee la haysto, iyadoo Qaahira ay ku tilmaamtay go’aankaas mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah.

​Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, oo ku taariikhaysan maanta oo Khamiis ah (21 Mayo 2026), ayaa lagu sheegay in Qaahira ay si adag u diiddan tahay tillaabadaas ay qaaday “waxa loogu yeero Gobolka Somaliland,” iyadoo ku tilmaamtay isku-daygaas mid wax u dhimaya xaaladda sharciga iyo taariikhda ee magaalada Qudus.

​Masar waxay bayaankeeda ku adkeysay laba qodob oo xasaasi ah:

​Mowqifka Qudus: Masar waxay dib u xasuusisay caalamka in Bariga Qudus ay tahay dhul Falastiiniyeed oo la haysto tan iyo sannadkii 1967, tillaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax looga beddelayro xaaladdeeda ay tahay mid waxba kama jiraan ah oo aan lahayn wax raad sharci ah.

​Taageerada Midnimada Soomaaliya: qoraalka ugu dambeeya ee qoraalka, dowladda Masar waxay si cad oo aan mugdi ku jirin ugu muujisay garab-istaaggeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tiri: “Masar waxay ku adkeysaneysaa taageerada ay u heyso midnimada, madax-bannaanida, iyo bedqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna si buuxda u diiddan tahay tillaabo kasta oo hal dhinac ah oo saameynaysa midnimada dhulka Soomaaliya ama wax u dhimaysa madax-bannaanideeda.”

​Cambaarayntan adag ee ka soo baxday Qaahira waxay imaaneysaa ka dib markii uu dhowaan Safiirka Somaliland u fadhiya Israel, Maxamed Xaaji, uu sheegay inay qorsheynayaan furitaanka xafiis diblomaasiyadeed oo heerkiisu sarreeyo oo ay ka furtaan Qudus.

​Tillaabadan ayaa imaanaysa xilli uu sii xoogeysanayo xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Muqdisho iyo Qaahira, iyadoo Masar ay dhowr jeer oo horay ay ku celisay inay difaaceyso midnimada dhul weynaha Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay jiraan loolan goboleed iyo damacyo ka taagan Geeska Afrika.