Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Axmed Attaf, ayaa Qaramada Midoobay ka sheegay in Israa’iil ay waddo dadaallo uu ku tilmaamay kuwo lagu kala qaybinaayo Soomaaliya, isagoo sidoo kale dhaliilay siyaasadda Israa’iil ee Suuriya, Lubnaan iyo Falastiin.
Attaf ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada New York intii uu socday doodda heerka sare ee Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlayay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka.
Wasiirka Aljeeriya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil inaysan si buuxda u ilaalin xabbad-joojinta Gaza, isaga oo sheegay in rayidka Falastiiniyiinta ay weli ku dhimanayaan inkastoo heshiiska xabbad-joojintu jiro.
Aljeeriya ayaa khudbadda ku celisay taageeradeeda ku aaddan dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan oo leh madax-bannaani buuxda, caasimaddeeduna tahay Qudus.
Dhanka kale, Attaf wuxuu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay weerarrada Israa’iil ee ka socda Suuriya iyo Lubnaan, isagoo hadalkiisa ku daray eedeynta ah in Israa’iil ay waddo “dadaallo lagu kala qaybinaayo Soomaaliya.”
Hase yeeshee, wasiirku khudbaddiisa kama uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedeynta Soomaaliya, mana caddayn waxa uu ula jeeday ama tallaabooyinka uu ku saleynayay hadalkaas.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayaan xiisadaha diblomaasiyadeed iyo amni ee Bariga Dhexe, iyadoo Qaramada Midoobayna ay marar badan ka digtay in colaadaha gobolka ay sii fidi karaan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa intii uu socday kalfadhiga Golaha Guud ku baaqay in la yareeyo xiisadaha, lana xoojiyo wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed.
Attaf ayaa sidoo kale ka digay hoos u dhaca kalsoonida u dhexeysa dowladaha, isagoo sheegay in adeegsiga xooggu uu sii kordhayo halka wada-tashiga, heshiisyada iyo diblomaasiyadda dhinacyada badan ay luminayaan doorkoodii.
Wasiirka Aljeeriya wuxuu ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo nidaamka Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in isbeddellada ku dhacay nidaamka caalamiga ah ay u baahan yihiin hay’ad caalami ah oo si wanaagsan uga tarjumaysa xaaladda cusub ee dunida.
Arrimaha amniga Gacanka ayaa sidoo kale kamid ahaa qodobadii uu Attaf ka hadlay, isagoo sheegay in Aljeeriya ay walaac ka qabto xaaladda ka taagan gobolka, isla markaana ku baaqday tallaabooyin lagu yareynayo xiisadaha laguna ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Khudbadda Attaf waxay qayb ka ahayd maalintii ugu dambeysay ee doodda heerka sare ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo sannadkan lagu qabtay halkudhigga “Soo celinta kalsoonida, maaraynta isbeddelka: Qaramada Midoobay oo u adeegta dhammaan.”
Hadallada Aljeeriya waxay sidoo kale qayb ka yihiin dadaallada diblomaasiyadeed ee ay dalkaasi ka wado Qaramada Midoobay, gaar ahaan arrimaha Falastiin, xalka laba dowladood iyo xaaladda amni ee Bariga Dhexe.