Ra’iisul Wasaaraha Maamulka Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa soo bandhigay khariidad amni oo uu ku muujinayo isbahaysiyada iyo kooxaha uu u arko inay ku kala jiraan dhinacyada loollanka gobolka, iyadoo Puntland iyo Somaliland lagu daray qaybta khariidadda ee lagu tilmaamay inay saaxiib la yihiin Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.
Khariidaddan ayaa la soo bandhigay xilli Netanyahu uu xoogga saarayo arrimaha amniga iyo xiriirrada gobolka, isaga oo ku guda jira ololaha doorashada Israa’iil ee la filayo inay dhacdo 27-ka Oktoobar 2026.
Sida ay warbaahinta qaar werisay, khariidaddu waxay sidoo kale muujinaysaa isbahaysiyo kale oo ay ku jiraan dalal Sunni ah, sida Sacuudiga, Masar, Turkiga iyo Pakistan.
Ku darista Puntland iyo Somaliland ee qaybtaas ayaa soo jiidatay dareenka la xiriira danaha amni iyo istaraatiijiyadeed ee Israa’iil iyo Imaaraadku ku leeyihiin gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xeebaha ku dhow Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab.
Somaliland ayaa xiriirkeeda Israa’iil sii xoojisay kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay bishii Diseembar 2025, tallaabadaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Puntland, dhankeeda, waxay xiriirro amni iyo dhaqaale la leedahay Imaaraadka Carabta, oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinaca amniga badda iyo dekedda Boosaaso, hase yeeshee, in Puntland lagu daro qaybta khariidadda ee saaxiibbada Israa’iil ma aha wax fudud.
Khariidadda ayaa muujinaysa sida Geeska Afrika uu muhiim ugu noqday loollanka amni ee gobolka, maadaama uu ku dhow yahay marinno muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada badda, ayadoo sidoo kale qeyb ka ah xad-gudubyada ay wadaan Imaaraadka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.