U bood dhigaalka

Badmaax Hindi ah oo Afar Sano Afduub loogu Haystay Soomaaliya oo ka Sheekeeyay Dhibaatadii uu la Kulmay

Oktoobar 18, 2026

Aman Kumar Sharma, oo ahaa badmaax u dhashay dalka Hindiya, ayaa ka sheekeeyay duruufihii adkayd ee uu soo maray kaddib markii uu muddo 43 bilood ah ku jiray gacanta burcad-badeed Soomaali ah, kuwaas oo afduubtay markabkii uu ka shaqeynayay sannadkii 2010-kii.

Sida uu sheegay wuxuu ka badbaaday jirdil, lix bilood oo lagu hayay kaymaha Soomaaliya iyo degitaanka markabkii uu saarnaa, ka hor inta uusan qorshe baxsad ah ku helin xorriyaddiisa.

Aman Kumar Sharma ayaa dalka Hindiya dib ugu laabtay 9-kii Juun 2014, kaddib ku dhowaad afar sano oo uu ku jiray xaalado adag oo ay ka mid ahaayeen afduub, jirdil iyo cabsi joogto ah.

Sharma, oo ka soo jeeda gobolka Himachal Pradesh, ayaa markii uu 19 jirka ahaa sannadkii 2010-kii markii ugu horreysay shaqo badeed u baxay, isaga oo ku biiray markabka MV Albedo oo uu ka raacay dekedda Jebel Ali ee magaalada Dubai.

Markabka oo ay saarnaayeen shaqaale u kala dhashay Hindiya, Pakistan, Sri Lanka iyo Masar ayaa la afduubtay 26-kii Nofeembar 2010, xilli uu marayay Badweynta Hindiya, meel qiyaastii 200 mayl-badeed u jirta jasiiradaha Maldives.

Sharma ayaa sheegay in shaqaaluhu ay arkeen doon dheereysa oo ay saarnaayeen burcad-badeed hubeysan, kuwaas oo muddo kooban gudaheed ku qabsaday markabka, inkasta oo shaqaaluhu isku dayeen inay albaabbada xiraan oo ay gabaad ka dhigtaan meel loogu talagalay xaaladaha degdegga ah.

Burcad-badeeddu markii ay gudaha u galeen markabka ayay qabteen kabtankii iyo saraakiil kale, iyaga oo jirdil u adeegsaday sidii ay shaqaalaha kale ugu qasbi lahaayeen inay is dhiibaan.

Markabka ayaa markii dambe loo weeciyay xeebaha Soomaaliya, waxaana lagu xiray meel u dhow Xarardheere oo xilligaas ka mid ahayd goobaha ay burcad-badeeddu ku haysteen maraakiibta ay afduubtaan.

Markii markabka la geeyay xeebaha Soomaaliya, kooxo kale ayaa ku biiray afduubayaashii, waxaana la bilaabay wada-hadallo madax-furasho ah oo lala xiriiriyay milkiilaha markabka.

Burcad-badeeddu waxay dalbadeen lacag dhan 20 milyan oo doollar, iyadoo shaqaalihii la haystay ay noqdeen kuwa lagu cadaadiyo in lacagtaas la bixiyo.

Sharma ayaa sheegay in jirdilka shaqaalaha uu sii kordhay, qaarna lagu khasbay inay saacado badan bannaanka jiifaan, halka shaqaale kale la dhaawacay, qaarna laga jaray faraha.

Xaaladda ayaa sii xumaatay markii burcad-badeeddu dileen Raju Rajvar, oo ahaa shaqaalihii kale ee Hindiya u dhashay, isla markaana saaxiib dhow la ahaa Sharma.

Rajvar ayaa la toogtay kaddib markii burcad-badeeddu ku hanjabeen inay dilayaan qaar ka mid ah shaqaalaha, waxaana sharma uu sheegay in markii uu arkay saaxiibkiis oo la dilay ay afduubayaashu isaga ugu hanjabeen in uu noqon doono qofka xiga ee la dilo, taas oo ku abuurtay cabsi iyo rajo-beel.

Dhanka kale, qoyska Sharma ayaa dadaal weyn u galay sidii loo heli lahaa lacag madax-furasho ah, ayadoo waalidkiis iyo walaashiis ay kaalmo ka raadiyeen hay’ado samafal, dad ay qaraabo yihiin iyo dad xiriir la lahaa warshadaha maraakiibta.

Dadaalladaas waxaa qayb ka ahaa hay’ado u dooda badqabka shaqaalaha badda, balse wada-hadallada madax-furashada ayaa dhowr jeer fashilmay, iyadoo ay jireen khilaafaad u dhexeeyay dhinacyadii ku lugta lahaa heshiisyada lacag-bixinta.

Markii toddoba shaqaale oo u dhashay Pakistan la sii daayay kaddib markii la bixiyay lacag madax-furasho ah, Sharma iyo shaqaalihii kale waxaa loo kaxeeyay kaymo ku dhow Xarardheere, halkaas oo ay ku jireen muddo lix bilood ah.

Wuxuu sheegay in nolosha kaymaha ay ahayd mid aad u adag, maadaama ay ku seexan jireen geedaha hoostooda, ay xanuunsan jireen, isla markaana ay heli jireen biyo kooban oo qiyaastii laba litir maalintii ah.

Sannadkii 2013-kii ayaa shaqaalihii dib loogu celiyay markabka MV Albedo, kaddib markii loo sheegay in heshiis madax-furasho ah la gaaray,
Hase yeeshee, xaaladdu mar kale ayay ka sii dartay markii markabka ay biyo soo  galeen oo uu bilaabay inuu dego.

Afar shaqaale oo u dhashay Bangladesh ayaa isku dayay inay u dabaashaan doon kalluumeysi oo meel fog ka muuqatay, balse waxay ku dhinteen biyaha.

Sharma oo aan dabaalan karin ayaa xarig qabsaday, waxaana ugu dambeyn badbaadiyay kalluumeysato u dhalatay Cambodia oo biyaha ugu degtay si ay u soo samatabbixiso.

Inkasta oo markabkii uu degay, Sharma iyo shaqaalihii kale xorriyad ma helin, waxaana mar kale dib loogu celiyay kaymaha.

Wuxuu sheegay in jirdilkii halkaas ka socday uu sii xoogaystay, isaga laftiisana laga siibay ciddiyaha, islamarkaana uu billowday Isku day kale oo lagu doonayay in madax-furasho lagu bixiyo, balse uu fashilmay markii kabtan Jarmal ah oo loo diray inuu lacagta keeno uu la baxsaday lacagtii.

Ugu dambeyn, Sharma iyo shaqaalaha kale waxay go’aansadeen inay qorsheeyaan baxsad,  iyaga oo kaashanaya qof ka tirsanaa burcad-badeedda  oo ka heleen telefoon iyo kaar SIM ah, waxayna xiriir la sameeyeen dad ku sugnaa Hindiya iyo Qaramada Midoobay.

Waxay diyaariyeen qorshe ay dawo hurdo keenta ugu dari lahaayeen cuntada ilaaladooda, si ay fursad ugu helaan inay baxsadaan.

Qorshaha ayaa hirgalay, waxaana abaare 3-dii habeenimo baxsaday 11 shaqaale ah oo ka haray 23-kii qof ee markii hore markabka saarnaa, waxayna ka baxeen hoygii lagu hayay, iyaga oo watay dukumentiyo ay ka soo badbaadiyeen markabkii degay.

Kadib markii ay socdeen ilaa waaberigii, waxay la kulmeen ciidamo Soomaali ah oo geeyay hoteel, kuna caawiyay cunto iyo dhar.

Maalintii xigtay ayay diyaarad Qaramada Midoobay leedahay u qaaday dalka Kenya, halkaas oo ay kula kulmeen dad ka qayb qaadanayay dadaalladii lagu doonayay sii deyntooda, waxaana sharma uu dib ugu laabtay Hindiya 9-kii Juun 2014, halkaas oo qoyskiisu si weyn ugu sugayay.

Si kastaba ha ahaatee, soo kabashadiisu ma ahayn mid degdeg ah, maadaama uu la kulmay riyooyin cabsi leh, iftiinka oo dhib ku noqday iyo inuu ku adkaaday cunista cuntooyinka caadiga ah.

Wuxuu sheegay inuu u baahday la-talin nafsiyeed iyo taageero caafimaad si uu uga soo kabto dhaawacyadii maskaxeed ee uu la kulmay muddadii afduubka.

Dadaalka uu Sharma ugu jiray inuu noloshiisa dib u dhisto ayaa miro dhalay, waxaana uu shaqadiisii badda dib ugu laabtay bishii Juun 2015.

Hadda wuxuu ka shaqeeyaa maraakiibta isagoo ah sarkaalka masuulka ka ah shaqooyinka sagxadda markabka.

Wuxuu guursaday sannadkii 2020, wuxuuna leeyahay laba carruur ah, ayadoo Maalinta uu dib ugu laabtay Hindiya, 9-ka Juun, uu u dabaaldegaa sidii maalin labaad oo dhalasho ah, marka laga soo tago maalinta uu dhashay ee 8-da Nofeembar.

Sheekada Sharma ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dib u soo xoogeysanayaan walaacyada la xiriira burcad-badeedda Soomaaliya, waxaana Sida ay warbixinta The Indian Express ee 18-ka Oktoobar 2026 sheegtay, hay’adda caalamiga ah ee badaha (IMO) ay bishii Luulyo xaqiijisay in 44 shaqaale badeed ah lagu hayay saddex markab oo la afduubtay, kuwaas oo 16 ka mid ahi ahaayeen Hindi.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in laba markab oo kale oo ay saarnaayeen 22 muwaadin oo Hindi ah la afduubtay bishii Agoosto, taas oo tirada Hindida lagu hayay maraakiibta la afduubtay gaarsiisay 38 qof oo saarnaa shan markab.

Si kastaba ha ahaatee dhibaatada uu soo maray Aman Kumar Sharma waxay muujinaysaa dhibaatada ba’an ee afduubyada badda ay ku reebaan shaqaalaha iyo qoysaskooda, iyadoo sidoo kale iftiiminaysa halista ay shaqaalaha maraakiibtu kala kulmaan kooxaha burcad-badeedda marka ay maraan goobaha khatarta badan ee Badweynta Hindiya.