WASHINGTON (Goobjoog News) — Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu soo warramayaa inuu baaritaan ku hayo xogta socdaalka iyo jinsiyadda xildhibaan Ilhaan Cumar, iyadoo la eegayo suurtagalnimada in maxkamad laga dalbado in laga laalo dhalashada Mareykanka.
Wargeyska Wall Street Journal, oo soo xigtay ilo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in baaritaanku diiradda saarayo dukumentiyadii socdaalka, xogta dhalashada iyo taariikhda qoyskeeda. Warbixinno ay daabaceen Al Jazeera iyo Axios ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey arrintan.
Ilhaan Cumar wax dacwad ah laguma soo oogin, mana jiro go’aan maxkamadeed oo lagu laalay jinsiyaddeeda. Xafiiskeeda ayaa baaritaanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo qayb ka ah weerarro muddo dheer lagu hayey xildhibaanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya.
Khubarada sharciga ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanku aanu amar keliya qof ugaga qaadi karin jinsiyadda. Dowladda waa inay maxkamad federaal ah ka furtaa dacwad, isla markaana soo bandhigtaa caddeyn muujinaysa in jinsiyadda lagu helay khiyaano ama xog muhiim ah oo si ula kac ah loo qariyey.
Kiisku wuxuu sii xoojin karaa muranka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Trump iyo Ilhaan Cumar, oo si joogto ah u dhaliisha siyaasadaha Madaxweynaha. Haddii dacwad rasmi ah la furo, waxay yeelan kartaa saameyn siyaasadeed iyo mid sharciyeed oo dhaafsiisan Ilhaan, gaar ahaan muwaadiniinta jinsiyadda Mareykanka ku helay dhalasho-siinta.