GAROOWE (Goobjoog News) — Roobab xooggan oo ka da’ay deegaanka Godob-yar ee gobolka Nugaal ayaa sababay fatahaad gashay guryaha, goysay waddooyinka, qoysasna ku khasabtay inay u barakacaan bannaanka tuulada.
Muuqaallo laga soo duubay deegaanka ayaa muujiyey biyo dhex fadhiya guryaha iyo waddooyinka, iyadoo dadka qaar ay ka guureen hoygoodii si ay uga badbaadaan fatahaadda. Weli lama shaacin tirada rasmiga ah ee qoysaska barakacay ama baaxadda hantida ku burburtay.
Burburka musqulaha iyo isku-darka bulaacadaha iyo biyaha fatahaadda ayaa abuuraya khatar caafimaad. Haddii aan la helin biyo nadiif ah iyo adeegyo fayadhowr, waxaa kordhi kara cudurrada shubanka, daacuunka iyo infekshannada kale ee biyaha wasakhaysan la xiriira.
Waddooyinka go’ay ayaa sidoo kale caqabad ku noqon kara gaarsiinta cuntada, daawooyinka iyo gurmadka degdegga ah. Carruurta, haweenka uurka leh, waayeelka iyo dadka qaba cudurrada joogtada ah ayaa si gaar ah ugu nugul saameynta fatahaadda iyo hakadka adeegyada.
Dadka deegaanka ayaa maamulka Puntland iyo hay’adaha gargaarka ka dalbaday cunto, hoy ku-meel-gaar ah, dhar, biyo nadiif ah iyo adeegyo caafimaad. Gurmad degdeg ah ayaa loo baahan yahay, iyadoo sidoo kale muhiim ay tahay in la sameeyo qiimeyn rasmi ah oo lagu ogaanayo tirada dadka iyo guryaha ay fatahaaddu saamaysay.