MUQDISHO (Goobjoog News) — Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay socdaan howlgallo lagu soo celinayo amniga iyo kala dambeynta degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaddib markii ay gudaha u galeen ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgallada ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in aan la aqbali doonin kooxo uu ku eedeeyay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab oo khatar ku ah amniga iyo kala dambeynta degmada Buurhakaba.
Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Laftagareen ay gudaha u galeen magaalada kaddib dagaal ay la galeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Warbaahinta qaar ayaa ku warrantay in ciidamadaasi ay sheegteen inay la wareegeen degmada, inkasta oo xaaladda amni ee goobaha qaarkood ay weli u baahan tahay xaqiijin dheeraad ah.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo kan militari ee u dhexeeya taageerayaasha Laftagareen iyo maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Ilaa hadda, faahfaahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaallada iyo natiijada howlgallada uu maamulka Koonfur Galbeed sheegay inuu ka wado degmada.