Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Joseph Kabila, ayaa ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed iyo mid milatari oo cusub oo ay ku mideysan yihiin kooxaha hubeysan ee la dagaallamaya dowladda dalkaas, tallaabadaas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in colaadda bariga dalkaasi ay sii xoogeysato.
Kabila ayaa Isniintii magaalada Goma kaga dhawaaqay isbahaysiga cusub oo lagu magacaabo Front pour la Refondation de la Nation (FRN), kaas oo la doonayo inuu beddelo isbahaysigii hore ee M23 iyo Isbahaysiga Wabiga Congo (AFC).
Kabila ayaa sheegay inuu hoggaamin doono isbahaysigan, halka mas’uuliyiin ka tirsan AFC iyo M23 loo magacaabay xilal kale oo hoggaamineed.
Afhayeenka isbahaysiga cusub, Claude Ibalanky, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa cusub uu doonayo inuu soo afjaro waxa uu ku tilmaamay kalitalisnimo, isaga oo aan meesha ka saarin adeegsiga xoogga.
Hadalkan ayaa sii kordhiyey walaaca laga qabo in khilaafka u dhexeeya dowladda Kinshasa iyo kooxaha hubeysan uu yeesho weji cusub.
Ku dhawaaqistan ayaa timid iyadoo dowladda Congo ay muddo dheer Kabila ku eedeyneysay inuu xiriir la leeyahay jabhadda M23 iyo isbahaysiga AFC.
Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, maxkamad milatari oo ku taalla Kinshasa ayaa dil ku xukuntay Kabila, iyadoo lagu eedeeyey khiyaano qaran, dambiyo dagaal iyo inuu la shaqeeyey kooxaha hubeysan.
Kabila, oo dalka Congo hoggaaminayey intii u dhexeysay 2001 iyo 2019, ayaa sidoo kale bishii Abriil ee sannadkan cunaqabateyn kala kulmay Mareykanka, kaas oo ku eedeeyey inuu maalgeliyo kooxaha fallaagada.
Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa muddo dheer la daalaa dhacayey colaado hubeysan oo salka ku haya muranno siyaasadeed, dhul, qowmiyado iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Jabhadda M23 ayaa dib u soo xoogeysatay sannadkii 2022, iyadoo dagaallo culus kula jirta ciidamada dowladda, isla markaana la wareegtay dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu, oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadaha dalkaasi ay sababeen barakaca in ka badan 7.8 milyan oo qof, halka ku dhowaad 28 milyan oo qof ay wajahayaan cunto yari.
Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa Rwanda ku eedeeyey inay taageerto M23, balse dowladda Kigali ayaa eedeymahaas beenisay.
, ayadoo dhanka kale, tallaabada Kabila ay walaac ka dhalisay mustaqbalka wada-hadallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda.