U bood dhigaalka

Ugu Yaraan Hal Qof oo ku Geeriyooday Weerar Lagu Qaaday Garoonka Riyadh

Oktoobar 12, 2026

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay, 11 kalena ay ku dhaawacmeen weerar cusub oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khalid ee magaalada Riyadh, iyadoo weerarrada soo noqnoqday ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo amniga dalkaas iyo xaaladda gobolka.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga (GACA) ayaa xaqiijisay in qofka ku dhintay weerarka Axaddii uu ahaa muwaadin u dhashay Pakistan oo dalkaas degganaa. Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay dhowr isbitaal si loogu dabiibo.

Weerarka ayaa lagu beegsaday terminaallada 3 iyo 4 ee garoonka, kuwaas oo loo isticmaalo duulimaadyada gudaha, ayadoo dhacdadani ay timid maalin kadib weerar kale oo garoonka lagu qaaday, kaas oo sida uu sheegay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ay ku dhinteen 12 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Safaaradda Hindiya ee Sacuudiga ayaa sidoo kale xaqiijisay in muwaadin Hindi ah uu Axaddii u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray weerarkii Sabtidii. Arrintan ayaa tirada dhimashada ee weerarkaas gaarsiineysa 13 qof, sida ay muujinayaan xogaha la shaaciyey.

Goobjooge la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in walax weerar ah ay ku dhacday dhulka garoonka, meel u dhow diyaarado dhowr ah oo halkaas ku sugnaa, abbaaraha 8:30 fiidnimo ee waqtiga Riyadh.

Dhacdada ayaa dhalisay dab, waxaana diyaarad xilligaas dhaqaaqaysay dib loogu celiyey albaabka laga raaco, halkaas oo rakaabkii laga dejiyey laguna amray inay garoonka ka baxaan.
Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegtay in la bilaabay qiimeynta khasaaraha iyo baaritaanno lagu xaqiijinayo badbaadada garoonka.

Sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga, garoonka King Khalid ayaa afar jeer la weeraray shantii maalmood ee ka horreysay warbixintan. Weerarro dhacay Khamiistii ayaa sababay dhimashada ugu yaraan saddex muwaadin oo Sacuudiyaan ah, oo uu ku jiray duuliye.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradii ka horreeyey kii Axaddii, waxayna Xuutiyiinta oo dagaal kula jira dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, ay taageero ka helaan Iiraan, halka Sacuudigu taageero ciidamada dowladda Yemen.

Weerarrada lagu qaaday garoonka Riyadh ayaa kordhiyey walaaca laga qabo in dagaalka Yemen uu ku fido dalal kale oo gobolka ah, gaar ahaan haddii Maraykanku si toos ah ugu biiro dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.