U bood dhigaalka

Ugu Yaraan 72 Qof oo lagu Diley Duqeyn Cirka Ah oo Ka Dhacday Waqooyiga Suudaan

Oktoobar 12, 2026

Ugu yaraan 72 qof oo ka shaqaynayay goob dahab laga qodo ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday waqooyiga Suudaan, meel u dhow xadka lagu muransan yahay ee Suudaan iyo Masar, sida ay sheegtay hay’ad xuquuqda aadanaha oo Suudaani ah.

Hay’adda Emergency Lawyers, oo diiwaangelisa xadgudubyada ka dhaca dagaalka Suudaan, ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Masar ay duqeeyeen goob macdan-qodis oo ku taalla deegaanka Wadi ee waqooyiga Suudaan.

Hay’addu waxay sheegtay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in 72 qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarka oo dhacay Sabtidii, balse warbixinta weerarka si madax-bannaan looma xaqiijin, dowladda Masarna weli kama aysan soo saarin wax war rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee sanadkan ka dhaca deegaanka buuraleyda ah ee Jabal al-Uqaydat, oo hodan ku ah dahabka iyo macdanta kale, Bishii Juun ee sanadkana, weerar hore oo isla deegaankaas ka dhacay ayaa lagu soo warramay in lagu dilay 23 qof oo ka shaqaynayay goob dahab laga qodo.

Milatariga Masar ayaa xilligaas sheegay inuu fuliyay howlgal ballaaran oo ka dhan ah macdan-qodis sharci-darro ah oo ka dhacaysay gudaha dhulka Masar.

Hay’adda Emergency Lawyers ayaa sheegtay in weerarkii ugu dambeeyay uu ka dhacay gudaha dhulka Suudaan, iyadoo ku eedeysay mas’uuliyiinta Masar inay doonayaan inay ballaariyaan saameyntooda ayna gacanta ku dhigaan kheyraadka dabiiciga ah ee ku yaalla aagga xadka.