Dowladda Pakistan ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyi-galbeed dalkaasi, tallaabadaas oo si weyn u saameynaysa maamulka gobolka oo ay hoggaamiso xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ee uu leeyahay ra’iisul wasaarihii hore Imran Khan oo xiran.
Xaaladda degdegga ah ayaa Axaddii lagu dhaqan-geliyay iyadoo la adeegsanayo laba qodob oo ka mid ah dastuurka dalka, kuwaas oo la xiriira arrimaha amniga. Tallaabadan ayaa si wax ku ool ah u hakineysa awoodda dowladda gobolka ee uu hoggaamiyo xisbiga PTI.
Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari, ayaa sheegay inuu ansixiyay soo jeedintii Golaha Wasiirrada, kaas oo kulan uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ka yeeshay xaaladda gobolka.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirradu ay dib u eegeen xaaladda amni, isla markaana ay walaac ka muujiyeen waxa ay ku tilmaameen “ka go’itaanka ula kaca ah ee dowladda gobolka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”
Go’aankan ayaa imaanaya xilli xisbiga PTI uu diyaarinayay bannaanbax iyo socod lagu tegi lahaa caasimadda Islamabad, kaas oo looga dalbanayo in xabsiga laga sii daayo Imran Khan, oo xirnaa in ka badan saddex sano, balse weli taageero ballaaran ku leh dalka Pakistan.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka gobolka, iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo qaabka loo dhaqan-gelinayo xaaladda degdegga ah iyo tallaabooyinka xigi doona.