Taliye ka tirsanaa maleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF) ee dalka Suudaan, Gaashaanle Dhexe Mohammed Azraq al-Fanjari, ayaa ku dhawaaqay inuu ka goostay kooxdaas, isaga oo la socda 300 oo saraakiil iyo askar ah iyo 30 gaari oo dagaal.
Taliyaha ayaa go’aankiisa ku dhawaaqay maalintii Khamiista, isaga oo dagaalka ka socda dalka Suudaan ku tilmaamay dagaal aan sabab lahayn, waxa uuna sidoo kale ugu baaqay xubnihii uu horay uga tirsanaa inay ka baxaan RSF, isla markaana ay garab istaagaan Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan.
Ka-goosashadan ayaa imanaysa xilli dalka Suudaan uu weli ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida iyo RSF, kaas oo sababay xaalad amni iyo mid bini’aadantinimo oo aad u adag.