U bood dhigaalka

Xuutiyiinta Yemen oo Weeraray Garoonka Diyaaradaha Cadan iyo Sacuudiga oo sheegay inuu qabtay Gantaal

Oktoobar 7, 2026

Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa Xuutiyiinta ku eedeysay inay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan, xilli diyaarad rakaab ah oo ka timid magaalada Qaahira ee dalka Masar ay ku sii jeedday garoonka.

Wasaaradda Gaadiidka Yemen ayaa sheegtay in ugu yaraan laba gantaal oo ballistic ah iyo dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn lagu bartilmaameedsaday dhabaha diyaaradaha iyo xarunta rakaabka ee garoonka.

Sida ay wasaaraddu sheegtay, mid ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay meel u dhow dhabaha diyaaradaha, daqiiqado ka hor intii aysan soo degin diyaaraddii ka timid Qaahira, taas oo keentay in diyaaradda laga joojiyo inay Cadan ku degto, waxaana loo weeciyay magaalada Jeddah ee Sacuudiga si loo ilaaliyo badqabka rakaabka.

Mas’uuliyiinta Yemen ayaa sidoo kale sheegay in xarunta rakaabka garoonka laga daadgureeyay, halka laba diyaaradood oo ku sugnaa garoonkana laga fogeeyay goobta ay weerarradu ka dhacayeen.

Dowladda Yemen ayaa ka digtay in weerarku uu sababi karay khasaaro badan oo rayid ah haddii diyaaradda rakaabka ah ay xilligaas soo degi lahayd.

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu aanu ahayn diyaaradaha rayidka ah, balse ay weerareen sahay milatari oo Sacuudigu waday, taas oo ku wajahneyd xerada Badr ee ku dhow garoonka Cadan.

Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiintu u rideen dhanka waqooyi ee magaalada Riyadh.

Afhayeenka isbahaysiga, Sarreeye Guuto Turki Al-Maliki, ayaa sheegay in ciidamada ay dabagal ku sameeyeen goobtii laga soo tuuray gantaalka, isagoo sheegay in goobtaas laga raadinayay agagaarka magaalada Sanca.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay weerarro ku qaadeen garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh iyo Abha, taasoo muujinaysa in xiisadda u dhaxaysa Xuutiyiinta iyo Sacuudiga ay sii xoogeysanayso.

Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallada Yemen ay mar kale xoogeysteen, gaar ahaan gobolka Taiz iyo deegaannada ku dhow marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

Ciidamada dowladda Yemen ee taageerada ka hela Sacuudiga ayaa wada howlgallo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan dekedda Mocha iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla xeebaha Badda Cas.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku soo aadaya xilli xiisadaha gobolka Bariga Dhexe ay sare u sii kacayaan, iyadoo Xuutiyiinta iyo dowladaha taageera dowladda Yemen ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan goobo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhaq-dhaqaaqa milatari iyo ganacsi ee gobolka.