Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada loo geysanayo shacabka Suudaan, gaar ahaan duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarrada kale ee lagu beegsanayo goobaha rayidka, isagoo dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda.
Golaha oo ka kooban 47 dal ayaa Isniintii ansixiyay qaraar lagu kordhinayo muddada shaqada guddiga caalamiga ah ee madaxa-bannaan ee baaraya xadgudubyada iyo tacaddiyada ka dhaca Suudaan, ayadoo qaraarka ay taageereen 28 dal, halka 10 dal ay ka codeeyeen, sagaal kalena ay ka aamuseen.
Qaraarku wuxuu dalbanayaa xabbad-joojin degdeg ah oo dhammaystiran, oo aan shuruud lagu xirayn, iyadoo sidoo kale lagu baaqay in la sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu kormeero xabbad-joojinta iyo in dib loo soo celiyo kaabeyaasha aasaasiga ah ee dalka.
Golaha ayaa sheegay in colaadda Suudaan aysan lahayn xal militari, isagoo dhinacyada dagaallamaya ku eedeeyay xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Waxaa si gaar ah loo cambaareeyay weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaado dadka rayidka ah, duqeymaha cirka iyo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sababay dhimashada shacabka iyo burburka xarumaha muhiimka ah sida isbitaallada iyo iskuullada.
Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF) ayaa dalka ka socday tan iyo Abriil 2023, waxaana lagu qiyaasay in tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, halka in ka badan 13 milyan oo qof ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ka barakacaan.
Xogta Qaramada Midoobay ayaa tilmaamaysa in weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay shantii bilood ee ugu horreeyay sannadkan oo keliya ku dileen in ka badan 1,100 qof.
Dhanka kale, Golaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sidoo kale cambaareeyay faragelinta dibadda ee sii hurineysa dagaalka, isagoo sheegay in shabakado maaliyadeed oo sharci-darro ah, hub si qarsoodi ah loo gudbiyo iyo dagaalyahanno ajaanib ah ay qayb ka yihiin waxyaabaha sii kordhinaya colaadda.
Guddiga madaxa-bannaan ee baaraya xadgudubyada Suudaan ayaa horey u sheegay in weerarkii iyo qabsashadii magaalada El-Fasher, oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee ciidamada ku xooggan yihiin Darfur, ay lahaayeen astaamo uu guddigu ku tilmaamay xasuuq.
Baarayaashu waxay sheegeen in intii magaalada la go’doominayay dadka rayidka ah si nidaamsan looga hor istaagay cunto iyo dawo, kadibna ay dhaceen dilal tiro badan, rabshado ku salaysan isir iyo xadgudubyo galmo.
Si kastaba ha ahaatee qaraarka cusub ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaalka Suudaan uu galay sannadkiisii afaraad, isla markaana shacabka dalkaas ay wajahayaan barakac ballaaran, cunto yari, burburka adeegyada caafimaadka iyo khataro sii kordhaya oo ka dhashay duqeymaha iyo dagaallada u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF.