Ciidanka Cirka ee Cumaan ayaa daadgureeyay 10 shaqaale ah oo ka tirsanaa markab shidaal oo ka babanayay calanka Panama, kaddib markii markabka On Peace lagu weeraray marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Wasaaradda Difaaca Cumaan ayaa sheegtay in markabka lagu weeraray meel qiyaastii 9 mayl-badeed, oo u dhiganta ku dhowaad 17 kiiloomitir, u jirta magaalada dekedda ah ee Limah, iyadoo weerarku sababay inuu dab ka kaco markabka.
Shaqaalaha dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Khasab ee gobolka Musandam, halkaas oo lagu daweeyay.
Ilaa hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo dhacdadan ay kusoo beegantay xilli ammaanka marinka Hormuz uu sii xumaanayo, iyadoo gobolka uu ka socdo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israel iyo Iiraan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 ka mid ah 19-kii shaqaale ee markabka saarnaa ay dhaawacmeen kadib markii wax lagu tilmaamay madfac ama gantaal uu ku dhacay markabka xilli uu marayay marinka Hormuz.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in 17 ka mid ah 19-ka shaqaale ay ahaayeen muwaadiniin Hindi ah, halka 11 ka mid ah dadka dhaawacmayna ay Hindi yihiin.
Dowladda Hindiya ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan weerarrada sii kordhaya ee lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga ee gobolka, waxayna ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada noocan ah, iyadoo sheegtay in arrintani muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Hindiya ayaa kamid ah dalalka ugu badan ee shaqaale u dira maraakiibta ganacsiga ee caalamka, waxaana dowladda Hindiya ay sheegtay in ugu yaraan 10 badmaaxiin Hindi ah lagu dilay tan iyo markii uu dagaalka Mareykanka iyo Israel ee Iran billowday dhammaadkii Febraayo.
Xaaladda marinka Hormuz ayaa sii murugtay tan iyo markii dagaalku billowday, iyadoo Iran ay si weyn u xaddiday dhaqdhaqaaqa maraakiibta biyaha maraya, isla markaana ay dhowr jeer weerartay maraakiib ganacsi oo aan marin waddooyinka ay tilmaantay.
Adeegga xogta maraakiibta ee Marisks ayaa sheegay in ugu yaraan toddobo dhacdo oo kale oo la xiriirta weerarro ama xaalado amni ay la kulmeen maraakiib shidaal toddobaadkii u dambeeyay.
Inkasta oo weerarrada iyo khatarta amni ay sii kordhayaan, dhoofinta shidaalka ee Bariga Dhexe ayaa toddobaadyadii u dambeeyay gaartay heerarkii ka horreeyay dagaalka.
Xog hordhac ah oo ay bixisay shirkadda Kpler ayaa muujisay in celceliska toddobada maalmood ee dhoofinta shidaalka ceyriinka ah ee Bariga Dhexe uu 30-kii Sebtembar gaaray 18.3 milyan oo foosto maalintii, marka loo eego celcelis ahaan ku dhowaad 18 milyan oo foosto maalintii 12-kii bilood ee ka horreeyay dagaalka.
Si kastaba ha ahaatee, qiimaha shidaalka ayaa weli sarreeya, iyadoo qiimaha Brent crude uu Talaadadii gaaray 101.51 dollar foostadii, marka loo eego 72.48 dollar maalintii ka horreysay bilowgii dagaalka.
Weerarkan cusub ayaa mar kale soo nooleynaya walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga iyo saameynta ay xaaladda marinka Hormuz ku yeelan karto isu-socodka shidaalka iyo suuqyada tamarta ee caalamka.