Laba garoon diyaaradeed oo ku yaalla koonfurta Boqortooyada Sacuudiga ayaa fiidnimadii Isniinta, 5-dii Oktoobar 2026, lagu qaaday laba weerar oo kala duwan, sida ay xaqiijisay Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka Sacuudiga.
Weerarada ayaa lagu beegsaday Garoonka Caalamiga ah ee Boqor Cabdullaah Bin Cabdulcasiis ee magaalada Jazan iyo Garoonka Caalamiga ah ee Najran, iyadoo la sheegay in weerarradu waxyeello u geysteen qaar ka mid ah xarumaha iyo kaabayaasha garoomada.
Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegtay in saddex qof ay soo gaareen dhaawacyo fudud, kuwaas oo loo qaaday isbitaallo si loo siiyo daryeel caafimaad. Waxaa sidoo kale la soo sheegay khasaare hantiyeed, balse faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan baaxadda khasaaraha lama shaacin.
Kooxaha gurmadka iyo hay’adaha ay khuseyso ayaa si degdeg ah uga hawlgallay goobaha ay weerarradu ka dhaceen, iyadoo la raacayo qorshayaasha degdegga ah ee loo dejiyay xaaladaha noocan ah.
Hay’adda Duulista Rayidka waxay sheegtay inay si wadajir ah ula shaqeynayso hay’adaha ammaanka si loo qiimeeyo khasaaraha, loona qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo badbaadada rakaabka, shaqaalaha iyo amniga guud ee duulista rayidka ee dalka.
Weeraradan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen. Reuters waxay sheegtay in weerarrada lagu qaaday labada garoon ay dhacayeen iyadoo colaadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ay sii kordheyso.
Wararka hadda la xaqiijiyay waxay tilmaamayaan in saddexda qof ay qabaan dhaawacyo fudud, halka baaritaanno lagu sameynayo khasaaraha ka dhashay weerarrada iyo tallaabooyinka amni ee xiga.