U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar oo Trump ku Eedeysay inuu Adeegsanayo Hay’adaha Federaalka si uu u Beegsado Siyaasiyiinta Mucaaradka ah

Oktoobar 13, 2026

Xildhibaanadda Aqalka Wakiillada Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in tallaabooyinka ka dhanka ah ay qayb ka yihiin isku day lagu beegsanayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda madaxweyne Donald Trump, isla markaana loo adeegsanayo hay’adaha sharciga federaalka arrimo siyaasadeed.

Ilhaan Cumar ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay in muddo toban sano ah Trump uu ku hayay eedeymo aan sal lahayn iyo ololeyaal sumcad-dil ah, iyadoo tallaabada ugu dambeysay ku tilmaantay mid sii xoojinaysa cadaadiska siyaasadeed ee ay sheegtay in lagu hayo.

Xildhibaanadda oo hadalkeeda muujisay inay ka go’an tahay inay sii waddo mowqifkeeda siyaasadeed, ayaa caddeysay inaysan ka aamusi doonin arrimaha ay aaminsan tahay, inkastoo ay sheegtay inay wajahayo waxa ay ku tilmaantay isku dayo lagu cabsi gelinayo dadka ka aragti duwan madaxweynaha.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay tallaabooyin ay qaadayaan hay’adaha federaalka Mareykanka iyo eedeymaha la xiriira in awoodda dowladda loo adeegsan karo cadaadis siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Ilhaan Cumar ayaa hadalkeeda ku muujisay inay ku sii adkaysan doonto mowqifkeeda, iyadoo ku adkaysatay inaysan oggolaan doonin in cabsi-gelin siyaasadeed ay ka hor istaagto inay hadasho.