U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Dhexdhexaad Ka Noqotay Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea

Oktoobar 13, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadda sii xoogeysanaysa ee u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo caddeysay inaysan doonayn inay qayb ka noqoto khilaafka labada dal, isla markaana ay muhiimad gaar ah siinayso xasilloonida iyo xal diblomaasiyadeed oo laga gaaro muranka taagan.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaara, oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula socoto xaaladda gobolka, balse aysan dhinacna la safanayn.

Wuxuu xusay in mowqifka Muqdisho uu yahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay labada dal.

Nadaara ayaa sidoo kale ka hadlay ka-qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee shirkii ay Masar, Eritrea iyo Suudaan ku yeesheen Qaahira, isagoo meesha ka saaray in kulankaasi Soomaaliya ka dhigay xubin ka tirsan isbahaysi ka dhan ah Itoobiya.

Wuxuu sheegay in shirku ahaa wada-tashi ku saabsan arrimaha gobolka, taas oo muujinaysa in ka-qaybgalka Soomaaliya aan loo fasiran karin inay ku biirtay dhinac ka soo horjeeda Addis Ababa.

Mowqifkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo salka ku haya arrimo la xiriira amniga gobolka, marin-badeedka iyo loollanka istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika. Xiisadda labada dal ayaa dhalisay walaac laga qabo in khilaafku isu beddelo iska horimaad militari oo saameeya dalalka deriska ah.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa weli door muhiim ah ku leh arrimaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, halka dowladda federaalku ay xoojisay xiriirka ay la leedahay Masar iyo dalal kale oo ay Itoobiya isku khilaafsan yihiin arrimo gobolka khuseeya.

Xaaladdan ayaa Muqdisho gelinaysa xaalad diblomaasiyadeed oo u baahan taxaddar, si ay u ilaaliso xiriirkeeda dalalka kala duwan, ugana fogaato inay ku milanto loollanka ka dhex jira quwadaha gobolka.

Dagaal dhex mara Itoobiya iyo Eritrea wuxuu saameyn ku yeelan karaa ganacsiga, isu-socodka xuduudaha, amniga Badda Cas iyo hawlgallada amni ee Geeska Afrika. Sidoo kale, colaadda noocaas ahi waxay carqaladeyn kartaa dadaallada iskaashiga gobolka iyo xasilloonida dalalka deriska ah.

Si kastaba ha ahaatee dhexdhexaadnimada Soomaaliya waxay u baahan tahay diblomaasiyad miisaaman oo ku dhisan wada-hadal, ilaalinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu dejinayo xiisadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa baahida ah inay sii waddo xariirka ay la leedahay Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo isla mar ahaantaana ka shaqaynaysa sidii looga hortagi lahaa in khilaafka labada dal uu saameyn taban ku yeesho Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Si ay Xeeldheereyaashu qabaan mowqifka ay Soomaaliya ku dhawaaqday wuxuu muujinayaa rabitaanka dowladda ee ah inaysan qayb ka noqon iska horimaad goboleed, balse ay taageerto xasillooni iyo xal diblomaasiyadeed.