Senator-ka Mareykanka Bernie Sanders ayaa madaxweynaha dalkaas Donald Trump ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu cabsi geliyo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda, warbaahinta iyo cid kasta oo aan ku raacsanayn aragtidiisa, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid halis ku ah dimuqraadiyadda Mareykanka.
Sanders ayaa qoraal uu baahiyay ku sheegay in Trump uu yahay hoggaamiye awood-ku-takri-fal sameeya, isla markaana uu dowladda federaalka u adeegsanayo cadaadis lagu aamusinayo dadka mucaaradka ku ah.
Waxa uu ugu baaqay dadka Mareykanka inay ka hortagaan tallaabooyinka uu ku eedeeyay madaxweynaha, ayna difaacaan nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka.
Senatarka ayaa sidoo kale difaacay Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad asal ahaan Soomaali ah kana tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, isaga oo xusay inay dalka ku timid iyadoo ilmo qaxooti ah oo ka cararaysay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, markii dambena ay qaadatay dhalashada Mareykanka, ka hor intii aan loo dooran Kongareeska.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Ilhaan Cumar ay wajahaysay hadallo iyo dhaliilo uga imaanayay Trump, gaar ahaan kuwa la xiriira asalkeeda Soomaaliyeed iyo siyaasadaha socdaalka.
Arrintan ayaa dib u soo nooleysay doodda siyaasadeed ee Mareykanka ee ku saabsan xuquuqda muhaajiriinta, xorriyadda hadalka iyo sida dowladda federaalka loola dhaqmo dadka siyaasadda ka aragti duwan.
Sanders ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la iska caabiyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay isku day lagu cabburinayo mucaaradka, isaga oo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dimuqraadiyadda iyo xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin inay si xor ah u muujiyaan aragtidooda.