U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Ingiriiska

Oktoobar 13, 2026

Muqdisho, 13 Oktoobar 2026 — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada nabadda, amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay taageerada saaxiibbada caalamiga ah ee ku aaddan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumar waara, isaga oo sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo xoojinta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay saaxiibbada caalamka, si loo horumariyo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-wanaagga deegaannada maamulkaas.

Hoggaamiyaha waxaa kulanka ku weheliyey Wasiirka Tamarta, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.