Muqdisho, 13 Oktoobar 2026 — Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ayaa liiska cunaqabateynta maaliyadeed ku daray 10 qof oo uu guddigu ku sheegay inay ku lug leeyihiin arrimo la xiriira maalgelinta argagixisada.
Liiska uu guddigu soo saaray waxaa ku jira Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) taliyihii hore ee ciidanka Asluubta, Ibraahim Aadan Cali (Najax) Gudoomiyihii hore ee Shabeellaha Hoose, iyo Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) Afhayeenkii hore Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, liiska waxaa ku jira Cabdullaahi Cali Watiin duqii hore ee Baydhabo, Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan, Cabdimajiid Mowliid Xasan, Amiin Macallin Daruur iyo Abshir Aadan Isaaq.
War-saxaafadeedka guddiga ee ku taariikhaysan 13-ka Oktoobar 2026 ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu saleeyey xogaha iyo macluumaadka la xiriira dadka liiska lagu daray.
Guddigu wuxuu faray hay’adaha iyo dadka ay khusayso inay u hoggaansamaan sharciga, ayna xayiraan hantida dadka liiska ku jira, isla markaana ay ka fogaadaan macaamillada maaliyadeed ee mamnuuca ah.
Waxaa sidoo kale la faray in dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee la xiriira dadkaas loo gudbiyo Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC).
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Cabdicasiis Laftagareen uu hore u soo noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli uu weli jiro khilaaf siyaasadeed iyo mid amni oo la xiriira hoggaanka maamulkaas.