U bood dhigaalka

Markab shidaal qaada oo Marayay Xeebaha Sucuudiga oo lagu dhuftay gantaal aan la aqoonsan

Oktoobar 17, 2026

Markab shidaal qaada ayaa lagu dhuftay walax aan la aqoonsan oo loo maleynayo inay tahay gantaal ama hub kale, xilli uu marayay biyaha xeebaha Sacuudiga, sida ay sheegtay Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO).

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhacdadu ka dhacday waqooyi-bari magaalada dekedda leh ee Jubayl, halkaas oo markabka lagu dhuftay walaxda aan weli la aqoonsan nooca ay tahay iyo halka laga soo tuuray.

UKMTO ayaa xaqiijisay in dhammaan shaqaalihii markabka ay badqabaan, isla markaana laga daadgureeyay markabka, Ilaa haddana, lama soo sheegin waxyeello deegaanka gaartay, hase yeeshee weli lama faahfaahin khasaaraha kale ee markabka soo gaaray.

Mas’uuliyiinta ay khusayso ayaa la socda xaaladda, iyadoo aan weli la shaacin cidda ka dambeysay dhacdada ama ujeeddada weerarka. Baaritaanno ayaa loo baahan yahay si loo ogaado halka ay ka timid walaxda markabka ku dhacday.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii jiraan walaacyada la xiriira amniga maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta shidaalka qaada ee mara biyaha istaraatiijiga ah ee Bariga Dhexe. Weerarrada noocan ah waxay khatar ku yihiin badqabka shaqaalaha maraakiibta iyo isku socodka ganacsiga badda.