Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyey dhaqan-gelinta xirmo cunaqabateyn oo ballaaran oo ka dhan ah Ruushka, taas oo uu bishii hore saxiixay, isaga oo Congress-ka Mareykanka ku wargeliyey in go’aanka hakinta uu la xiriiro danaha qaranka.
Trump ayaa Jimcihii saxiixay amar madaxweyne oo lagu hakiyey cunaqabateynta, laba maalmood ka hor xilligii sharcigu u asteeyey in tallaabooyinkaas ay dhaqan galaan.
Cunaqabateyntan ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo dakhliga Moscow ka hesho ganacsiga tamarta, kaas oo gacan ka geysanaya maalgelinta dagaalka ay Ruushku ka wadaan Ukraine.
Sharciga ayaa dhigaya in cunaqabateyn lagu soo rogo mas’uuliyiinta Ruushka, bangiyada iyo maraakiibta shidaalka qaada ee lagu tuhunsan yahay inay qayb ka yihiin shabakadda ka caawisa Moscow inay sii waddo dhoofinta tamarta iyadoo ka baxsan xayiraadaha caalamiga ah.
Waxa kale oo uu Madaxweynaha Mareykanka farayey inuu canshuuro gaarsiisan boqolkiiba 100 ku soo rogo dalalka ugu waaweyn ee soo dhoofsada shidaalka iyo gaaska Ruushka, iyadoo ay jiraan xaalado ka reeban dalalka buuxiya shuruudo gaar ah oo ku saabsan dhimista ku tiirsanaantooda tamarta Ruushka.
Sharcigan, oo ay si weyn u taageereen labada aqal ee Congress-ka, waxaa hindisay Senator-kii Jamhuuriga Lindsey Graham iyo Senator-ka Dimuqraadiga Richard Blumenthal.
Go’aanka Trump ayaa yimid toddobaad kaddib markii uu sheegay in Mareykanku heshiis la galay Ruushka, kaas oo ku saabsan iibsashada naaftada, tallaabadaas oo uu ku sababeeyey dadaallada lagu dhimayo qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka.
Heshiiskaas ayaa dhaliyey dhaleeceyn uga timid siyaasiyiin ka tirsan labada xisbi ee Mareykanka, kuwaas oo ku dooday in iibsashada shidaalka Ruushka ay kordhin karto dakhliga Moscow, isla markaana ay taageeri karto dadaalladeeda dagaalka Ukraine, iyada oo aan la hubin in heshiisku hoos u dhigayo qiimaha shidaalka.