BAYDHABO (Goobjoog News) — Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa goordhow si rasmi ah ula wareegay gacan-ku-haynta degmada Bardaale ee gobolka Baay, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka.
Bardaale ayaa noqoneysa degmadii Saddexaad ee muddo laba maalmood gudahood ay la wareegaan ciidamada taabacsan Lafta-gareen, iyadoo xaaladda amni ee gobolka Baay ay weli tahay mid isbeddelaysa.
Dhanka kale, ciidamo kale ayaa la sheegay inay ku sii wajahan yihiin degmada Diinsoor iyo deegaanka Awdiinle, oo ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa imanaya xilli ay gobolka Baay ka socdaan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo la xiriira xaaladda maamulka Koonfur Galbeed.
Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo la xaqiijiyey oo ku saabsan xaaladda degmada Bardaale kaddib la wareegista ciidamada, iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan ciidamada ku sugan nawaaxiga Diinsoor iyo Awdiinle.