Dowladda Itoobiya ayaa si qaawan ugu xadgudbtay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii ay saacadihii la soo dhaafay ay qaaday tallaabo ay ku xoojisay xiriirka dhinaca difaaca iyo amniga ee ay la leedahay Somaliland, oo qayb ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa dhalinaysa su’aalo culus oo ku saabsan damaca siyaasadeed ee Addis Ababa iyo sababta ay uga hareer martay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo si toos ah ugala macaamilaysa maamulka Hargeysa arrimo la xiriira difaaca iyo amniga.
Arrintan ayaa soo shaac baxday kaddib kulan magaalada Hargeysa ku dhexmaray Taliyaha Guud ee Ciidanka Maamulka Somaliland, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo ay ku jiraan Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, qunsulka guud iyo u-qaybsanaha difaaca ee safaaradda.
Sida lagu sheegay warbixinta kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca, amniga iyo xaaladaha gobolka.
Iskaashi noocan ah oo aysan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya qayb ka ahayn wuxuu abuurayaa walaac siyaasadeed oo culus, maadaama Itoobiya ay si gaar ah ugala macaamilayso maamul ka tirsan dhulka Soomaaliya arrimo taabanaya amniga iyo difaaca.
Mas’uuliyiin xilal sare ka soo qabtay hay’adaha amniga dalka ayaa arrinta qeyla dhaan ka soo saaray, waxayna Itoobiya u soo jeediyeen in ay ka waantowdo xadgudubka ay ku hayso dalka.
Cabdisalaan Guuleed, taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA, ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta arrintan ku dhaliilay dowladda Itoobiya, isaga oo adkeeyay in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya aanay gorgortan geli karin, Somaliland-na ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guuleed ayaa tallaabooyinka Addis Ababa ku tilmaamay kuwo khaldan maadaama ay hareer marreen dowladda federaalka ah, isaga oo sheegay in faragelinta ay Itoobiya ku eedeysay Eritrea iyo Masar in ay ku hayaan iyadu ay ka waddo gudaha Soomaaliya.
Waxaa muuqata tallaabadan ay ku kacday Itoobiya mid dabaqeysa oraahdii Soomaaliyeed ee ahayd “Hasha iyada ayaa geela cuneysa, haddana cabaadeysa.”
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa loo soo jeediyay in uu joojiyo tallaabo kasta oo Soomaaliya u aragto faragelin lagu hayo arrimaheeda gudaha.
Dowladda Federaal ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin tallaabadan xadgudubka ah ee ay ku kacday dowladda Itoobiya iyo faragelinta qaawan ee Addis Ababa ay ula bareertay Madaxbannaanida Soomaaliya.