U bood dhigaalka

Mareykanka oo Sheegay inaan Siyaasaddii ku Saabsan Soomaaliya waxba iskama beddelin

Oktoobar 20, 2026

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin J. Massinga, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku imaan siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, kaddib hadalladii Madaxweyne Donald Trump ee dadka qaar u fasirteen in uu Somaliland ku tilmaamay meel ka duwan Soomaaliya inteeda kale.

Massinga ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa Itoobiya, kaas oo wax laga weydiiyay hadalka Trump iyo waxa uu uga dhigan yahay mowqifka dowladda Mareykanka ee ku aaddan Somaliland.

Danjiraha ayaa caddeeyay in hadallada madaxweynaha aysan ka dhignayn in wax laga beddelay siyaasadda rasmiga ah ee Mareykanka, taas oo muujinaysa in hadal siyaasadeed oo ka yimaada Aqalka Cad uusan keligiis noqon go’aan rasmi ah oo aqoonsi dowladeed.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka danjiraha Mareykanka ayaa muujinaya in aan hadalladaas loo qaadan karin caddayn muujinaysa in Washington ay qaadatay go’aan cusub oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.