Goobjoog

Soomaaliya oo si adag uga hortimid magacaabista safiirka Israa’iil ee Hargeysa iyo dhismaha safaarad

MUQDISHO, 3 Nofeembar 2026 (GOOBJOOG) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hortimid tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay in ay safiir u soo magacawday magaalada Hargeysa, iyo qorshaha…

Soomaaliya oo si adag uga hortimid magacaabista safiirka Israa’iil ee Hargeysa iyo dhismaha safaarad

MUQDISHO, 3 Nofeembar 2026 (GOOBJOOG) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hortimid tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay in ay safiir u soo magacawday magaalada Hargeysa, iyo qorshaha dhismaha xarun ay ku tilmaantay safaarad, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaas ay jebinayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tallaabooyinka Israa’iil ay yihiin kuwo sharci ahaan aan waxba ka jirin, maadaama aan oggolaansho looga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay caddeysay in Hargeysa iyo gobolka Waqooyi Galbeed ay weli ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay in magacaabista safiir iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah ay u baahan yihiin oggolaanshaha dowladda leh madaxbannaanida dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku doodday in tallaabooyinka Israa’iil ay ka hor imaanayaan heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed, kaas oo nidaamiya xiriirka rasmiga ah ee dowladaha iyo furitaanka xarumaha diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid sii xoojinaysa go’aankii Israa’iil ay bishii Diseembar 2025 ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, kaas oo ay sheegtay in ay hore uga horyimaadeen Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa ka digtay in tallaabooyinka dhiirrigelinaya kala qaybsanaanta dalalka iyo iska indha-tirka xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ay sii kordhin karaan xiisadaha amni ee ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Israa’iil ugu baaqday in ay si degdeg ah uga laabato tallaabooyinkan, iyadoo dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ka codsatay in aysan aqoonsan ama sharciyad siin wax kasta oo la xiriira tallaabooyinkaas.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci oo ay ku difaacayso madaxbannaanideeda iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments