Xukuumadda Soomaaliya oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadalkii Lataliyaha Madaxweynaha Imaaraadka

Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil, ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu saaka bartiisa X ku baahiyay Anwar Gargash, Lataliyaha Diblomaasiyadda Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, kaasoo dhaliilay mowqifkii…

Xukuumadda Soomaaliya oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadalkii Lataliyaha Madaxweynaha Imaaraadka

Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil, ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu saaka bartiisa X ku baahiyay Anwar Gargash, Lataliyaha Diblomaasiyadda Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, kaasoo dhaliilay mowqifkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddanaa Imaaraadka, ee uu xalay jeediyay.

Wasiir Ayuub Ismaaciil ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu dhaqaalihiisa u adeegsaday xoojinta kala-qaybsanaanta Soomaaliya, wiiqidda hay’adaha dowladda iyo fududeynta faragelinta shisheeye, oo uu ku sheegay inay ku jirto Israa’iil.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabooyinkaas ay dhaawacayaan madaxbannaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ahayn dal lagu iibsan karo saameyn dhaqaale, isla markaana aan lacag lagu burburin karin dowladnimadeeda, isagoo sheegay in dadaal kasta oo lagu doonayo kala-qaybinta dalka uusan waxba ka beddeli doonin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments