U bood dhigaalka

Mareykanka oo Congress-ka horgeeyay Warbixin dhabar-jab ku ah Damaca Maamulka Soomaalilaan

Juun 2, 2026

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale caddeysay mowqifkeeda ku aaddan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, kadib markii Waaxda Arrimaha Dibadda ay Congress-ka u gudbisay warbixin rasmi ah oo lagu qiimeeyay fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Somaliland.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “Warbixinta Congress-ka ee ku saabsan Meelaha Suurtagalka ah ee lagu Horumarin karo Iskaashiga Mareykanka ee Somaliland” ayaa lagu diyaariyay si waafaqsan Sharciga Amniga Qaranka iyo Maalgelinta Barnaamijyada ee sannadka 2026.

Warbixintu waxay si cad u sheegtay in Mareykanku uu aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana Somaliland uu u arko qayb ka tirsan Soomaaliya.

Qoraalka ayaa xusay in xiriir kasta oo Mareykanku la yeesho Somaliland uu ku dhisan yahay qaabka dowladnimada Soomaaliya ee la aqoonsan yahay.

Dhanka amniga, warbixintu waxay tilmaamtay muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland maadaama ay ku taallo meel u dhow Yemen iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, taas oo ka dhigaysa goob muhiim u ah dadaallada lagu sugayo amniga Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Sidoo kale waxaa lagu xusay in maamulka Hargeysa uu door ka qaadan karo la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga xiriir kasta oo dhex mara kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen.

Warbixintu waxay sidoo kale xaqiijisay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu xiriir joogto ah la leeyahay Somaliland si loo qiimeeyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in ay jiraan caqabado waaweyn oo hortaagan maalgashiga iyo ganacsiga caalamiga ah ee Somaliland.

Waxaa si gaar ah loo xusay in maqnaanshaha aqoonsi caalami ah iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Hargeysa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay caqabad ku yihiin horumarinta maalgashi ballaaran, adeegyada bangiyada iyo iskaashiga dhaqaale ee heer caalami.