Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi.
Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi.
Socdaalka Guddoomiye Aadan madoobe ayaa ku soo beegmaya maalmo kooban ka dib markii Guddoomiyaha aqalka sare uu dalkaas booqasho ku tagey.