U bood dhigaalka

Qaar kamida hay’adaha gargaarka oo ka digaya xaalad cunto yari ah oo ka jirta gobolka Baay

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Islamic Relief Somalia ayaa muujineysa in cunno yari ay sii xumaanaysaahi ay ka taagan tahay gobolka Baay ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxyaabaha keenay cunto yaraantan ayay hay’addu ku sheegtay abaaraha, daadadka, iyo rabshadaha socda ayaa sii kordhinaya faqriga iyo barakaca, taasoo abuuraysa gaajo iyo xasillooni darro.

Warbixintu waxa ay iftiimisay sida tartanka loogu jiro cuntadu uu u huriyo xiisadaha ka dhex aloosan beelaha, taasoo horseedda iskahorimaad iyo barakac hor leh. Daraasada oo lagu sheegay Aragtida Bulshada ee ku aadan Cunto yarida inay horseed ka tahay Colaada, ayaa diiradda lagu saaray Degmooyinka Baydhabo, Berdaale, iyo Diinsoor.

Deegaanadan oo markii hore loo yiqiin “dambiisha rootiga” ee Soomaaliya markii laga eego dhinaca wax soo saarka ayaa waxaa ka dhacay burburka ama hoos u dhac dhanka howlaha beeralayda ah, taasoo ay ugu wacan tahay amni darro, isbeddel cimilo iyo culaysyada ka imaanaya kooxaha hubeysan.

Beeraleyda ayaa lagu qasbay in ay ka tagaan dhulkooda, taas oo ka sii dartay cunto yari iyo in qaar badan ay u kaxeeyaan xeryo ciriiri ah oo ay ku nool yihiin barakacayaal (IDPs) sida ay sheegtay hay’addu.

Si kastaba ha ahaatee Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in in ka badan lix milyan dadka Soomaaliyeed ee ay soo food saartay cunto yaridu, iyadoo gobollo badan ay qarka u saaran yihiin in ay cunno yari ka dhacdo.