ABAARAHA SOO NOQNOQDAY EE SOOMAALIYA: SABABAHA & SAAMAYNTA
Abaaruhu waa masiibo dabiici ah oo muddo dheer la xiriirtay nolosha dadka Soomaaliyeed, balse sannadihii u danbeeyay waxay u muuqdeen kuwo noqday joogto, halkii ay ahaan lahaayeen dhacdooyin mararka qaarkood dhaca. Roobabkii oo baaqda ama dibdhaca, dhulkii oo sii qalala, xoolihii oo dabargo’a, iyo malaayiin qof oo wajahaya cunto yari iyo barakac ayaa noqday sawir ku soo noqnoqday ummadda Soomaaliyeed. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxay abaaruhu u noqdeen wax caadi ah oo ku soo laalaabta Soomaaliya? Jawaabta su’aashan kuma koobna hal sabab oo kaliya, balse waa iskudhafka sababo badan oo isbiirsaday, sida: cimilada, qaabka oogo ee dhulka ama juqraafiga, dhaqaalaha, maamulka dawladnimo iyo arrimo bulsho oo ku xeeran.
Soomaaliya iyo Degaanka Qallalan
Soomaaliya waxay ku taallaa gobol ka mid ah dunida oo asal ahaan qallalan ama u nugul abaarta, gaar ahaan Geeska Afrika. Inta badan dhulka dalka waa “arid” iyo “semi-arid”, taasoo ka dhigan in roobku yahay mid xaddidan, ku yimaada xilliyo kooban, isla markaasna aad ugu nugul isbeddel kasta oo cimilo. Xilli-roobaadyada guga iyo deyrta ayaa lafdhabar u ah nolosha dadka ku tiirsan beeraha iyo xoolaha. Marka midkood baaqdo, saamayntu waa mid degdeg ah oo baahsan. Haddii labada xilli ay iskumar ama si isku xigta u baaqdaan, abaartu waxay isu beddeshaa musiibo qaran.
Isbeddelka Cimilada iyo Roobabka oo Yaraada
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee abaaraha soo noqnoqda waa isbeddelka cimilada ee caalamiga ah. Heerkulka adduunka oo kor u kacaya, badaha oo kululaanaya, iyo isbeddelka ku yimaada wareegga hawada ayaa si toos ah u saameeya roobabka ka da’a Soomaaliya. Cilmibaarisyo badan ayaa muujinaya in roobabkii Geeska Afrika ay noqdeen kuwo aan la saadaalin karin: mar way da’aan si xaddhaaf ah, marna gebi ahaanba way baaqdaan.
Dhacdada La Niña, oo si joogto ah u soo noqnoqotay sannadihii u danbeeyay, ayaa door weyn ka qaadatay yaraanta roobabka. Tani waxay keentay in dhawr xilli-roobaad oo iskuxiga ay baaqdaan, taasoo adkaynaysa fursad ay dadku dib ugu soo kabtaan. Sidaas darteed, abaartu ma aha mid hal mar wax burburisa, balse waa mid wiiqda awoodda bulshooyinka ay ugu adkaysan karaan musiibooyinka danbe.
Abaarta iyo Habnololeedka ku Tiirsan Dhaqashada Xoolaha
Dadka Soomaaliyeed intooda badan, gaar ahaan reermiyiga, waxay noloshooda ku tiirsan tahay xooladhaqashada. Xooluhu waa hanti, cunto, dhaqaale iyo astaan bulsho. Marka abaartu timaaddo, saamaynta ugu horraysa waxay ku dhacdaa daaqa iyo biyaha. Xoolaha ayaa nuglaada, cudurro ayaa ku dhaca, ugu danbayntiina tarabtarab bay ugu le’daan saamaynta abaaraha. Marka xooluhu le’daan, khasaare dhaqaale oo kaliya ma aha, balse waa burbur nololeed oo dhammaystiran.
Xaaladdan ayaa sababta in qoysas badan ay ka guuraan degaannadoodii, una barakacaan magaalooyinka ama xeryaha barakacayaasha (IDP Camps). Barakacaasi wuxuu abuuraa dhibaatooyin kale oo bulsheed, sida shaqa-la’aan, cunta-yari, iyo culays ku yimaadda adeegyada aasaasiga ah ee magaalooyinka.
Beeraha iyo Bedqabka Cuntada
Abaartu waxay si toos ah u wiiqdaa bedqabka cuntada (food security). Beeraha Soomaalida oo inta badan ku tiirsan waraabka biyaha roobka, si gaar ah kuwa ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu nugul saamaynta abaaraha soo noqnoqda. Marka roobku yaraado ama baaqdo, waxsoosaarka dalagyada sida galleyda iyo masagada ayaa hoos u dhaca. Tani waxay keentaa cuntayari, qiimakoror, iyo in qoysas badan aysan awoodin inay helaan cunto ku filan.
Saamayntan ayaa sii adkaata maadaama Soomaaliya ay ku tiirsan tahay cunnooyin dibedda laga keeno. Marka abaartu timaaddo, awoodda waxsoosaarka gudaha ayaa hoos u dhacda, halka qiimaha cuntada dibedda laga keeno uu kordho, taasoo sii xumaysa xaaladda dadka nugul.
Doorka Maamulxumada iyo La’aanta Kaabayaasha
Inkasta oo cimiladu door weyn ka ciyaarto, haddana maamulxumo iyo kaabayaasha oo liita ayaa sii adkeeya dhibaatada. Soomaaliya muddo dheer ma lahayn nidaam xooggan oo maareeya biyaha, keydiya biyaha roobka, ama ka-hortagga abaaraha. Webiyo badan oo dalka mara sida Shabeelle iyo Jubba ayaa inta badan daadad sameeya ama engega, halkii loo maamuli lahaa si joogto ah oo faa’iido leh. Maahmaah Soomaaliyeed oo arrintaas tilmaamaysa ayaa tiraahda: “aqoolxumo abaar ka daran.”
Sidoo kale, la’aanta qorshe qaran oo waara oo lagula tacaalo isbeddelka cimilada ayaa ka dhigaysa in jawaabta abaartu noqoto mid ku kooban gargaar degdeg ah, halkii ay ahaan lahayd mid ka-hortag iyo u diyaargarow ku salaysan.
Abaarta oo Noqotay Xaalad Bulsho oo “Caadi ah”
Sababta abaaruhu u noqdeen wax “caadi ah” ma aha in dhibaatadu yaraatay, balse waa in ay soo noqnoqotay ilaa ay dadku la qabsadeen. Markii bulshadu mar walba la kulanto abaar, gaajo iyo barakac, dareenka dhiifoonida ayaa hoos u dhaca, warbaahintuna mararka qaar dan kama muujiso sida hore. Tani waa khatar kale oo weyn, maadaama ay yaraynayso feejignaanta iyo dadaalka lagu raadinayo xal waara.
Maxaa la Samayn Karaa?
Si loo joojiyo in abaartu noqoto xaalad joogto ah, waxaa loo baahan yahay isbeddel ballaaran. Maarayn hufan oo kaydinta biyaha ah, sida dhisidda ceelal, balliyo iyo keyd roobeed, iyo horumarinta beeraha u adkaysan kara abaaraha ayaa muhiim ah. Sidoo kale, xog-ururin iyo digniino hore (early warning systems) oo ku salaysan tegnolojiyada casriga ah ayaa gacan ka geysan kara yaraynta khasaaraha.
Dhanka kale, wacyigelin bulsho, taageero nolol-abuur leh, iyo xoojinta doorka dawladda iyo hay’adaha maxalliga ah ayaa lagamamaarmaan u ah xal waara.
Gunaanad
Abaaraha soo noqnoqda ee Soomaaliya ma aha kuwo mar kasta kedis ah, balse waa natiijo ka dhalatay isbeddelka cimilada, degaanka oo la xaalufiyay, in xoolaheenna iyo beeraheennu ku tiirsan yihiin roobabka, iyo maamulxumo muddo dheer jirtay. In abaartu noqoto wax “caadi ah” waa halis kale oo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo isbeddel dhab ah. Haddii aan laga gudbin hannaanka ka-falcelinta ku dhisan, lana gaarin qorshe waara oo ka-hortag ku salaysan, abaartu waxay sii ahaan doontaa caqabad weyn oo ku hor gudban horumarka nololeed iyo xasilloonida dhaqandhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed.

Cabdinaasir Cali
Saxafi diiradda saara oo wax ka qora teknolojiyadda, xiriirka caalamiga ah, iyo dawladnimada Soomaaliya.