Dawladda Soomaaliya oo dib u dejinta u samaynaysa qoysaskii ka barakacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole
Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil Turki ah iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dib dejin loogu sameeyey qoysaskii ay guryahoodii dumiyeen kooxda Al-shabaab intii uu socday dagaal ciidamada dawladda iyo kooxdaas dhowaan deegaanka ku dhex maray.
Sida ay masuuliyiintu sheegeen Dawladda ayaa markii ay Kooxdu ka saartay deegaanadaas waxay shacabka u balan qaaday in dib loogu dhisi doono guryihii ay Al-Shabaab ka burburiyeen, si looga shaqeeyo dib u soo kabashada bulshada.
Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo loo dhisay, kadib guryahoodii ay burburiyeen kooxdii Al-Shabaab deegaannadaas laga saaray.
Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaannadaas, si loo xoojiyo nolol maalmeedka bulshada,
loona dardargeliyo dib u dhiska deegaannada xorta ah.