U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda Turkiga uga tacsiyeeyey weerar ka dhacay Ankara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha dalka Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, si uu uga tacsiyeeyo weerar argagaxiso oo ka dhacay magaalada Ankara.

Weerarkani waxa uu ka dhacay galabta, wuxuuna saameyn weyn ku yeeshay shacabka iyo dowladda Türkiye.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujiyey sida Soomaaliya uga xun tahay falkaas argagaxiso, isagoo adkeeyey xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Türkiye, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in labada dowladood ay ka mideysan yihiin dadaallada ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagaxisada caalamiga ah.

Taageerada uu Madaxweyne Xasan Sheekh muujiyey waa qayb ka mid ah diblomaasiyadda iyo xiriirka dhow ee labada dal, kuwaas oo ku saleysan taageero dhinacyo badan leh oo isugu jirta amni, dhaqaale, iyo gargaarka bani’aadamnimo.