Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Digay Dib-u-Soo-Noqoshada Burcad-Badeedda

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xaaladda amni ee Badda Cas iyo dib-u-soo ifbaxa burcad-badeedda Soomaalida, isaga oo sheegay in dhibaatada burcad-badeednimada aan lagu xallin karin oo keliya hawlgallo milateri oo badda laga fuliyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Digay Dib-u-Soo-Noqoshada Burcad-Badeedda

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xaaladda amni ee Badda Cas iyo dib-u-soo ifbaxa burcad-badeedda Soomaalida, isaga oo sheegay in dhibaatada burcad-badeednimada aan lagu xallin karin oo keliya hawlgallo milateri oo badda laga fuliyo.

Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News ayuu ku sheegay in burcad-badeednimadu ay tahay dhibaato dib u soo laaban karta haddii aan wax laga qaban sababaha ku riixaya dadka inay falalkaas galaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalalka caalamku ay hore dhaqaale badan ugu bixiyeen la dagaallanka burcad-badeedda, balse aan si buuxda loo xallin sababihii keenay dhibaatada.

Waxa uu tilmaamay in dadka burcad-badeedda ah aysan ku noolayn gudaha badda, balse ay dhulka ka abaabulaan hawlgalladooda, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la xoojiyo amniga xeebaha iyo xaaladaha nololeed ee bulshada ku dhaqan deegaannadaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in la horumariyo ilaalada xeebaha, amniga dhulka xeebaha iyo fursadaha shaqo ee dadka deegaanka, si looga hortago in dhalinyaradu u arkaan burcad-badeednimada waddo ay noloshooda ku maareeyaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in saboolnimada iyo duruufaha adag ee nololeed ay qayb ka yihiin sababaha dhalinyarada qaarkood ugu dhiirranayaan falalka burcad-badeednimada.

Waxa uu tusaale u soo qaatay badmaaxiin lagu dilay weerarro burcad-badeednimo oo dhowaan dhacay, isaga oo sheegay in dhibaatadani aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse ay saameyn karto maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay xeeb dhererkeedu yahay ku dhowaad 3,400 oo kiiloomitir, taas oo u baahan dhaqaale, ciidan iyo iskaashi caalami ah si si wax ku ool ah loo ilaaliyo.

Waxa uu ku baaqay in beesha caalamku Soomaaliya ka taageerto sugidda amniga xeebaha iyo horumarinta deegaannada xeebaha, isaga oo ku adkeystay in xal waara uusan ku imaan karin cadaadis milateri oo keliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments