Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sheegay in Soomaaliya aysan Oggolayn laga Sameysto Saldhigyo Shisheeye

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalku aysan oggolaan doonin in dalal shisheeye ay Soomaaliya ka sameystaan saldhigyo militari oo ay u adeegsadaan danahooda juqraafi-siyaasadeed.

Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News ayuu ku sheegay in Soomaaliya aysan fursad siin doonin dalal doonaya inay gudaha dalka ka sameystaan saldhigyo ay ku fushadaan danahooda, isaga oo arrintan ku xusay loollanka sii xoogeysanaya ee ka jira Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Markii wax laga weydiiyay dhaqdhaqaaqyada dalalka ay ka mid yihiin Ruushka, Israa’iil, Turkiga, Mareykanka iyo Itoobiya ee gobolka, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan oggolaan doonin in dalka laga sameysto saldhigyo wakiillo loogu noqdo quwadaha shisheeye.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isaga oo sheegay in heshiisyadii hore ee difaaca iyo amniga ee labada dal la baajiyay.

Waxa uu hadalkiisa ku daray in dhaqdhaqaaqyada Imaaraadku ka sameynayo gudaha Soomaaliya ay dowladda federaalku u aragto kuwo aan sharci ahayn.

Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka Madaxweynaha ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida dalka iyo in go’aannada la xiriira amniga iyo joogitaanka ciidamada shisheeye ay maraan hay’adaha dowladda federaalka.

Arrintan ayaa sidoo kale qayb ka ah loollanka diblomaasiyadeed ee ka socda gobolka, kaas oo la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo marin-biyoodka isku xira ganacsiga caalamka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments