Guddoomiyaha golaha shacabka oo muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Jabuuti
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho.
Soo dhoweynta wafdiga waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa safiirka walaalaha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo barbaarta Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa, isaga oo sheegay inuu joogo dalkiisa labaad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wafdiga walaalaha Jabuuti kusoo dhoweeyay dalka, ayaa waxa uu sheegay in maalmaha ay joogaan wada qaadan doonaan kulamo ku saabsan dardargelinta iskaashiga baarlamaanadda labada wadan.
Booqashada wafdiga ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ay maanta kusoo gaareen dalka ayaa ka dambeysay ka dib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.