U bood dhigaalka

Ugu yaraan 25 tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha Comoros

Ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay xeebaha dalka Comoros ka dib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen oo mareysay badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow  Comoros, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Doonta ayaa degtay xilli goor dambe ah, waxayna ku degtay  inta u dhaxaysa jasiiradaha Anjouan iyo jasiiradda  Faransiisku maamulo ee Mayotte, iyada oo la sheegay inay maraysay marin biyood halis ah  oo kumanaan qof ay horay ugu naf waayeen tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Muhaajiriin badan oo galbeedka Afrika ka tacabiraya ayaa si joogto ah naftooda ugu biimeeya jidka halista badan si ay u gaaraan dalalka  qaaradda hodantay ee Yurub.