Dowladda Ruushka ayaa beenisay eedeymo la xariira inay ku lug leeyaday hanjabaado la xariira in bambaanooyin lagu weerarayo goobaha codbixinta doorashada Mareykanka.
Moscow ayaa aflagaado ku tilmaantay in hanjabaadaha bambaanooyinka ah ee lagu hagayo goobaha codbixinta ee afar gobol oo lagu dagaalamayo doorashada Maraykanka – Georgia, Michigan, Arizona iyo Wisconsin in lagu eedeeyo Ruushka .
Farriimaha qalqal-gelinta ee ah in bombaanooyin lagu weerarayo goobaha codbixinta doorashada ayuu mareykanku tilmaamay inay ka yimaadeen email-lo Ruushka laga leeyahay, taas oo lagu sheegay inay qayb ka yihiin hawlgal faragelin ah.




From the comments