Maxkamad ku taalla Waqooyiga Ireland ayaa maanta lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay Cabdullaahi Salaad, oo ah 23 jir Soomaali ah, ka dib markii lagu helay inuu isku day kufsi ah ku sameeyey kalkaaliso caafimaad iyo sarkaalad booliska ka tirsan.
Garsooraha Maxkamadda Degmada, Nigel Broderick, ayaa amar ku bixiyey in Salaad uu muddo todobo sano ah iska diiwaangeliyo liiska dambiyada dalkaasi si loola socdo
Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa sharaxay in dhacdadii ugu horreysay ay ka dhacday cusbitaalka Causeway 29-kii November sanadkii hore, xilligaas oo Salaad uu si kadis ah kula kulmay kalkaalisada oo isku day fal ka baxsan Anshaxa.




From the comments