Jubbaland oo ka digtay in qalqal amni laga abuuro Gedo
Kismaayo ayaa maanta si rasmi ah u martigelisay hadal-jeedinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Jubaland, gaar ahaan Musharaxiinta loo arkay in ay taageero u yihiin Madaxweynaha Jubbaland.
Madasha hadal jeedinta ee ay joogeen garabka Madaxweynaha Jubbaland waxaa ka qeyb galay xubno muhiim ah oo ka socda dowladda iyo bulshada rayidka ah.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jubaland, Xildhibaanada labada Aqal ee ku matala Jubaland, Wasiirro ka tirsan maamulka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa ka qeybgalay kulanka.
Wasiirka Amniga Jubaland, Sareeye Gaas Yuusuf Dhuumaal, oo hadal jeediyay ayaa digniin adag u diray kuwa qalqal amni ka abuuri karaya magaalada Kismaayo.
Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaamay in maamulka Jubaland uu ka hortagayo cid kasta oo isku dayda in diyaaradaha loo isticmaalo si khaldan, isaga oo tusaale usoo qaatay dadka ku doodaya in Gedo la adeegsanayo.
“Jubaland waa ka digeysaa in qalqal amni laga abuuro Kismaayo. Waxaan gacan bir ah ku qaban doonnaa cid kasta oo hor istaagta nabadda iyo xasiloonida,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli tartanka doorashada Jubaland uu marayo meel xasaasi ah, iyadoo musharrixiinta ay hadaladooda diiradda ku saarayaan qorsheyaasha ay ku horumarinayaan maamulka iyo nabadgelyada gobolka.