Ugu yaraan 130 qof ayaa la la’yahay, halka 17 qof ay ku dhinteen dhul go’ ka dhacay bariga Uganda, sida ay booliisku sheegeen.
Dhul go’a ka dhashay roobabka xooggan ayaa saameeyay tuulooyin badan oo ka tirsan degmada Bulambuli, oo qiyaastii 280 km (178 mayl) u jirta caasimadda Kampala.
Hawlgal samatabbixin ah ayaa socda kadib markii ugu yaraan 40 guri ay biyuhu la tageen,sida uu barta X ku sheegay Ururka Laanqayrta Cas ee Uganda.




From the comments