Ciidanka Israa’iil oo muddo 50 sano ah ka dib markii ugu horraysay Suuriya gudaha u galay
Sheeko:Wararka Caalamka
Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa markii ugu horraysay tan iyo sanadkii 1974-tii dalka Suuriya gudaha uga galay, ayadoo ka tallaabay xuduudka, islamarkaana fariisimaha ka samaystay gudaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.
Sidoo kale wararka ka imaanaya magaala madaxda dalkaas ee Dimishiq ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen goobo hubka lagu kaydiyo oo ku yaalla magaaladaas, taas oo sababtay qaraxyo waaweyn sida warbaahinta ay tabinayso.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli saacao ka hor xoogagga mucaaradku ay ku dhawaaqeen inay talada ka tuureen Bishaar Al-assad oo isaga iyo Aabbihiis Xaafid Al-assad oo xukunka isaga dambeeyay ay dalkaas maamulayeen 54-tii sanoo la soo dhaafay.