Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Raaskambooni ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Khaalid Cabdullaahi Cumar, uu halkaasi gaaray isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Taliyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Waxaa uu halkaasi ka bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha dagaalka.





From the comments