U bood dhigaalka

Ruushka oo billaabay inuu hubkiisa ka rarto Suuriya

Diseembar 14, 2024

Wararka ka imaanaya deegaanka Latakiya ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada Ruushku ay billaabeen inay rartaan saanad militari oo u yaallay saldhig weyn oo ay halkaas ku lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya oo ku sugan aagga Latakiya ayaa sheegay in diyaarad xamuul oo Ruushku leeyahay ayaa Sabtidii u duushay Liibiya, taas oo la rumaysanyahay in qaatay saanad ciidan.

Dowladda Ruushka oo xulufo la ahayd maamulkii Bashaar Al-assad ee dhowaan la riday ayaa haatan u muuqanaysa inay soo afjarayso joogitaankeeda militari ee dalkaasi Suuriya, balse Kremlin-ku kama hadlin inay xariir la yeelanayaan maamulka cusub iyo in kale.