Ruushka oo billaabay inuu hubkiisa ka rarto Suuriya
Sheeko:Wararka Caalamka

Wararka ka imaanaya deegaanka Latakiya ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada Ruushku ay billaabeen inay rartaan saanad militari oo u yaallay saldhig weyn oo ay halkaas ku lahaayeen.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya oo ku sugan aagga Latakiya ayaa sheegay in diyaarad xamuul oo Ruushku leeyahay ayaa Sabtidii u duushay Liibiya, taas oo la rumaysanyahay in qaatay saanad ciidan.
Dowladda Ruushka oo xulufo la ahayd maamulkii Bashaar Al-assad ee dhowaan la riday ayaa haatan u muuqanaysa inay soo afjarayso joogitaankeeda militari ee dalkaasi Suuriya, balse Kremlin-ku kama hadlin inay xariir la yeelanayaan maamulka cusub iyo in kale.