Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo mas’uuliyiin kale ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo.
Waxaa la filayaa in guddoomiyaha uu kulammo gaar ah la yeesho madaxda maamulka, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha bulshada si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo dalka guud ahaan.




From the comments