U bood dhigaalka

DEG DEG: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo war kasoo saartay eedeyntii dowladda ee dagaalka ee Doollow

Sheeko:War

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay xuntahay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 23-ka Disembar 2024, kaas oo ku eedaynayay ciidammada Itoobiya in ay ka qeyb qaateen dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doollow.

Itoobiya ayaa eedeynta Soomaaliya ku tilmaamtay waxba kama jiraan.

“Dhacdada waxaa huriyey shakhsiyaad ujeedadoodu tahay inay carqaladeeyaan dadaallada dib-u-heshiisiinta u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Shakhsiyaadkani waxay rabaan inay xasillooni darro ka abuuraan Geeska Afrika, iyadoo ay si joogto ah uga shaqeeyaan burburinta nabadda gobolka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Warka ayaa intaasi kusii daray “Lama oggolaan karo inay carqaladeeyaan dadaallada labada dal ee ku aaddan nabadda, sida lagu caddeeyey Heshiiska Ankara. Dowladda Itoobiya waxa ay sii wadaysaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya si loo hortago dhacdooyin noocan oo kale ah”

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraynaysay falka xadgudubka ah ee shalay ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.