Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha dayn cafinta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.




From the comments